qabsin
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Xiidmaha weyn ee nafleyda. 2. Xanuunka qabsinnada ku dhaca.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabsin

holac-xuub-ubuceed [m.l] (-cyo ..., m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iwm. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.

jeekam [m.l] (-mo, m.dh)
(daaw.) Qayb xidmeed oo ku yaal meesha ay iskaga dhegsanyihiin xiidmaha yar yar iyo xiidmaha waaweyn. Afka sare wuxuu ka mid yahay kolonka, afka hoosana waxa ku yaal qabsinka.

qabsin-ood [m.l]
1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. ld qabsin-oodane.

qabsin-oodan [m.l]
Xirmidda ay xiidmuhu xirmaan.

qabsin-oodan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dmay, -dantay; -dmi)
Xiidmo wax xiran noqosho.

qabsin-oodane [m.l]
ld qabsin-ood.

qabsin-oodmid [m.f.dh]
eeg qabsin-oodan².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg