qaddari
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Qiimeyn; sharaf; tixgelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaddari

aabayeel [m.l] (-yeelay, -yeshay)
Aabayeel ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid. aabayeelid

aabayeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-yeelay, -yeshay)
U aabayeel: qaddarin ama tixgelin cid siin.

aabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.

ciid [m.dh]
1. Dhulka qaybtiisa sare ee dhirtu ka baxdo oo ka samaysanta dhagxaan ay dabeel, qorrax iwm burburiyeen; carro. 2. ld iid 1. Maalin ay ummad qaddariso oo hawlaha laga nasto.

ciid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). ld iid².

codo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-otay, -odatay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.

codsi [m.l]
Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. ld codsasho.

codso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.

darajee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jeeyay, -jeysay)
Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee.

darajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg