qadi
(m.l)

ld qadow (1).

qadi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Cid wax u diidid. 2. Cunto siin waayid. Tus. “Naagtii baa carruurta iga qadisay.”

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qadi

oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.

aloog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Rabsho, dagaal iwm abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.

car [m.l]
1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir.

cariiq [m.l]
Wax qadiin ah; wax qiimo leh; wax caan.

dibjir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Habeen dhan qadid.

hormarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax hore u qadimasho.

martiqadin [m.dh]
Martiggelindarro. ld martiqadis (2).

martiqadis [m.l]
1. Qof aan martisoore ahayn. 2. ld martiqadin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg