qalad
(m.l) (-dyo, m.dh)

Samaynta wax, fal, hadal iwm. loo sameeyo si aan sax ahayn; gef.

qalad
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-lday, -ladday; -ldi)

1. (f.g) Wax si aan sax ahayn u samayn. 2. (f.mg) Ku q.: wax, wax kale oo aan ku habbooneyn ku qasid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalad

laaxin [m.l]
Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.

carqalad [m.dh]
Qas iyo lab lagu sameeyo hawl si wanaagsan u socota. ld carqalo.

carqaladee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
Hawl carqalad gelin.

carqaladeyn [m.f.dh]
eeg carqaladee.

carrabbaab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Wax xusid ama sheegid. 2. (f.mg) Si qalad in yar oo tibix ah ka sheegid.

dadqalad [m.l]
Dadqalnimo.

dadqaladnimo [m.dh]
ld dadqalnimo.

laxni [m.l]
Wax si qalad ah loo qoro ama loogu dhawaaqo.

qal [m.l] (-lal, m.l)
Labada fuq ee afka middood; daan.

qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg