qalal
(m.l)

(daaw.) Isku roorid muruqeed oo aan qofku ogeyn keentana qalqalloc jirka iyo addimada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalal

dhabqalallayn [m.f.dh]
eeg dhabqalallee.

dhabqalallee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
Wax dhabqalallo ku sameyn.

dhabqalallo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Dh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir.

engeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Wax qoyanaa qalalid.

engegan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax qalalay ahaansho.

engegso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax qoyan qalalsasho (cid).

fadqalal [m.dh] (-llo, m.dh)
Ficil rabsho badan iyo buuq iwm oo si wadajir ah, ay sameeyaan dad badan gaar ahaana meel fagaara ah.

fadqalallayn [m.f.dh]
eeg fadqalallee.

fadqalallee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Fadqalallo samayn.

fadqalallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qasidda meel xasilloonideeda iyo nabaddeeda la qaso; arbushid; rabsho.

qal [m.l] (-lal, m.l)
Labada fuq ee afka middood; daan.

qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg