qalasho
(m.f.dh)

eeg qalo².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalasho

dannabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Neef la soo xaday ama baadi ah qalasho.

dhayl [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ylay, -yshay)
Neef yaraan ku qalasho.

halabayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Timo halab ah samaysasho. 2. Xoolo la soo dhacay hilib ka qalasho.

hilbeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Neef qalasho. 2. Nafley naaxid.

kawaano [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aantay, -aanatay)
Neef xoola ah ganacsi ahaan qalasho.

shaaraq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Neef ishkin ah, waqti abaar ah qalasho si hilibkiisa looga ganacsado.

shaaraqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qaday, -qatay)
Neef ishkin ah waqti abaar ah qalasho.

shirayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Neef shiro u qalasho.

waraaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Neef si wada jir ah u qalasho iyada oo qiimihiisa la wada bixinayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg