qalaw
(m.dh)

1. Kalagoyska cududda iyo garabka. 2. Xanuun ku dhaca kalagoyska cududda iyo garabka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalaw

qalawille [m.l]
Geed-abaareed gaaban oo higlaha u eg qodaxna lahayn oo waqtiga jiilaalku dheeraado xoolaha caleentiisa lagu barbixiyo.

qalawle [m.l]
1. Geel guran ah. 2. Muqmad aan subag iyo dufa midna lahayn. 3. Cantalaay.

qalawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis yar oo waxaraha la geliyo. 2. Dhismo yar oo loogu gabbado dugaag la rabo in la dilo. ld qalwo (2).

qalwo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. God ciriiri ah oo buuraha iyo qararka dhexdooda ku samaysma. 2. ld qalawo. Edeg yar. 3. Dhismo yaroo wax lagu dabo. 4. ld khilaawo.

qal [m.l] (-lal, m.l)
Labada fuq ee afka middood; daan.

qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg