qulqulad
(m.dh)

Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qulqulad

rabash [m.l]
Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. ld rabshad, rabsho.

rabash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bshay, -bashtay; -bshi)
Cid qulquladayn. ld rabshadee, rabshee.

khalkhal-birlabeed [m.l]
(c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.

qalaanqal [m.l]
Qas; qulqulad; wareer.

qalaanqal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Qas; qulqulad; wareer. 2. Geed-abaareed higlada u eg aan qodxo lahayn leh miro yaryar oo cas cas, dambaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo laga dhigto, oo xooluhu daaqaan.

qulquladayn [m.f.dh]
eeg qulquladee.

qulquladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cid meel iwm qulqulad ku samayn.

qulqul [m.l]
(fiis.) Summad I. Dhakhsaha uu saldanab ku dhexmaro gudbiye danab. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee qulqulka danab waa ambiyeer (A).

qulqul [m.l]
Shubmid ama socod aan kala go'lahayn ee uu hooruhu sameeyo. ld qulqulid.

qulqul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
1. Hoore si aan kala go'lahayn u shubmid ama u socosho. 2. Dad, xoolo iwm si aan kala go'lahayn u socosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg