qulub
(m.l)

1. (m.l./dh) Isla hadalka iyo walaaca ay arrin qof ku dhaliso. 2. Qaybinta cayaar turub oo la khaldo.

qulub
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-lbay, -lubtay; -lbi)

1. (f.g) Cayaar turub iwm qaybinteeda isku qaldid. 2. (f.mg) Welwel iyo calool xumo dareemid. 3. (f.mg) Welwel iyo caloolxumo darteed la caatobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qulub

bellaagra [m.l]
(daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.

qulbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2]
(iyay, -isay) Ciil iyo murugo cid ku beerid. ld qulubsii.

qulbid [m.f.dh]
eeg qulub².

qulbin [m.f.dh]
eeg qulbi. ld qulubsiin.

qulubsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax qulbay ahaansho.

qulubsanaan [m.f.dh]
eeg qulubsan. ld qulubsanaansho.

qulubsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qulubsanaan.

qulubsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld qulbi.

qul [m.l]
1. Amuur. 2. Maqaar weyn qaab jawaan u tolan oo badar lagu shubto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg