quluc
(m.dh) (-lco, m.l)

Nooc bocorka ka mid ah leh sal ballaaran iyo dhuun dhuuban oo inta la qallajiyo oo miraha laga daadiyo biyo lagu shubto, ama oodkaca lagu shubto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quluc

ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc

qulucfage [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
Fandhaal weyn oo af ballaaran leh iyo dabo dheer oo tabbedaha, qulcaha iwm subagga iyo oodkaca looga bixiyo.

yaaq [m.l]
(bot.) Geed dheer oo aad iyo aad u sal iyo jirrid iyo dhex weyn: mayraxdiisa waxaa laga sameeyaa xargo iyo waxyaalo kale; mirihiisu waxay leeyihiin qaabka qulucda, buruq la cunana waa leeyihiin.

qul [m.l]
1. Amuur. 2. Maqaar weyn qaab jawaan u tolan oo badar lagu shubto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg