qumi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iwm u fulin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qumi

qaansaqumiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qalab qaansada lagu xiro si ay u yeelato qaabka la rabo.

ulaysi-dagiiran [m.l]
Waddo halka ay ka billaabanaysa u ballaaran, halka ay ku dhammaanaysana u ciriiryoon oo dagiiranka lagu soo qumiyo si ay ugu ururaan edegga. Mur-dagiiran.

yersin [m.l]
Ugaarsadaha soo qumiya dagiiranka.

arag-qumin [m.dh]
(daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.

laba-qotinle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qalab danab oo leh laba qotin, loona isticmaalo badanaaba qumiye danab.

muraadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid muraad u qumin. 2. Ducayn.

qumid [m.f.dh]
eeg qun².

qumin [m.f.dh]
eeg qumi.

qumiyeyn [m.dh]
(fiis.) Habka qulqul quman looga dhalin karo qulqul talantaaliya oo ka imanaya dhaliye danab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg