qun
(m.l) (-uman, m.l)1. Labada qanjir oo kulkulucsan oo afka salkiisa labada dhinac kaga yaal middood. 2. Xanuun qanjirrada afka salkiisa ku yaal ku dhaca; majin; majinow; xoqato. 3. Duleelka yar ee wax laga arko ee diiradda. 4. Si toos ah oo aan laalaabasho lahayn.
qun
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-umay, -untay; -umi)1. Nafley meel ka tegid. 2. Arrin iwm si wanaagsan u fulid.
Qunbe*
Qunbe waxaa lagu shubaa subaga xoolaha waxaan laga sameyey maqaar afka hore wuxuu Ku leeyahay 3qorey isdhaaf ah ama 4qorey
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qun ↴
aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar
naarajiin [m.dh]
1. Geedka qunbaha. 2. Saliidda laga miiro qunbaha.
qaarjeex [m.l]
Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
taagso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.
dhuuntow [m.l]
Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
durqun [m.l]
Hadal xaniif iyo gardarro leh oo la is dhaafsado.
luqun [m.dh] (-umo/-qmo, m.l)
Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
luqundhejis [m.l] (-syo, m.dh)
Suuqadda dumarku qoorta ku xirto jaad ka mid ah oo gaaban.
luquninaatow [m.l]
Cudur geela qoorta ka qalloociya.
luqunjab [m.l]
Qoor xanuun, barkin ka dhac.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.