qunyar
(m.dh.fk)

Q. ama si q. ah: aayar, xasil, tartiib.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qunyar

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar

qanjidh-marinla' [m.l]
(c.nafl.) Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah qanjidhada marinkala'waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.

qunyarsocod [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Q. ah: qof deggan oo dabci qabow dadka kula dhaqma.

qunyarsocodnimo [m.dh]
Qunyarsocod ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg