quraar
(m.dh) (-rro, m.l)

Godin yar oo weelasha lagu qoro. ld quraarqor.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quraar

dhalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.

dhuusaquraar [m.l]
Qof da'yar, fudud oo faduul badan.

feynuus [m.l] (-syo, m.dh)
Qalab guryaha lagu iftiinsado leh sal gaas lagu shubo, gal quraarad ah iyo liifad holacda. ld faanuus.

heerkulbeeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(fiis.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. ld heerkulbeege.

koorrib [m.dh]
Kuul madow oo quraarad ah.

mitimiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(kiim.) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.

nal [m.l] (-lal, m.l)
1. Qalab dusha quraaradi kaga dahaarantahay oo iftiin bixiya marka korontadu soo gaadho. 2. Iftiinka korontadu dhaliso.

qarsho [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. ld qarshad.

qasaanqas [m.dh]
(c.nafl.) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg