qurac
(m.l)

Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qurac

abqo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. ld aqbo, qabco.

aqab [m.l]
(aqab, m.dh) Qurac.

damal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah.

dayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. ld dawaco.

dimcad [m.l] (-ddo, m.dh)
(bot.) Quraca dhallinta yar oo ulo jilicsan oo xoog badan iyo mayrax aad u cad oo wanaagsan laga helo. ld dincad.

durruje [m.l] (-jayaal, m.l/dh)
Nooc quraca waaweyn ka mid ah.

geydhe [m.l]
1. Nooc aqab ka mid ah. 2. Qurac iyo maraa mirohood.

moobah [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Ur la kahsado aanse qurunna ahayn sida meyraxda quraca, toonta iwm. ld moomah.

qansax [m.l]
(qansax, m.dh) Geed quraca la bah ah oo leh qodxo yaryar, mayraxiyo xabag wanaagsan.

qaydar [m.l]
Geed weyn oo qodax leh oo quraca la bah ah oo leh mayrax fiican iyo xabag la cuno.

qur [m.dh]
1. Naf; ruux. 2. Q. ah: tiro go'an oo aan wax kale kordhin. Tus. “Laba wiil oo q. ah ayaa xafiiska jooga.”

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg