qurqur
(m.l)

1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qurqur

qurquri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hoore si dhaqso ah u cabbdi.

qurqurin [m.f.dh]
eeg qurquri. ld qurquris, qurquro (3).

qurquris [m.l]
ld qurqurin.

qurquro [m.dh]
1.Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. ld qurqurin.

qurqursan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).

qurqursanaan [m.f.dh]
eeg qurqursan. ld qurqursanaansho.

qurqursanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qurqursanaan.

xuubi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Caano degdeg u qurqurin. 2. (f.mg) Wax qolof ama ded saarnaa ka qaadid. 3. (f.mg) Xoolo iwm degdeg ku kaxayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg