quruurux
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Dhagax yaryar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quruurux

xaani [m.dh]
Ciid sabbaax ah oo aan boor iyo quruurux midna lahayn. ld xaano.

fargan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qori yar, farraaro leh oo labadiisa farraar isugu xiranyihiin cijir laga gamo quruurux, fud iwm; farlaash. 2. Ciyaar carruureed.

garri [m.dh]
1. Dhagxan yaryar oo wax lagu dhiso; quruurux; jaay. 2. Turumb.

godadow [m.l]
Ciyaar lagu ciyaaro quruurux ku jira 12 god oo 6 iyo 6 isaga soo horjeedda; layl.

kawtan [m.l]
Cayaar quruurux lagu cayaaro oo jaadad badan u sii kala baxbaxda; shamako.

laylo [m.dh]
Ciyaar carruurtu ku dheesha dhagxaan quruurux ah, saalo geel iwm oo ku jirta laba iyo toban god oo laba labo isaga soo horjeeda; godadow.

quruurux-bataax [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(jool.) Dhadhaab-lakabeed habe ah oo ka kooban xabiib bataax ah oo ay isu hayaan waxyaalo ay ka mid yihiin nuurad (calcium carbonate) ama suubaan (silca).

quruuruxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Si isdabajoog ah u hadlid. 2. Quruurux wax ku xisaabid.

quruuruxin [m.f.dh]
eeg quruuruxi. ld quruuruxis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg