qurux
(m.dh)Muuqaal ishu u bogto; bilic.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qurux ↴
taacug [m.l]
Geed yar oo ubax qurux badan leh.
taada [mu.lh.dh] (kuwaaga, w)
Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qof-ka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad
leedahay. Tus. “Taada ayaa qurux badan”.
haashaar [m.l]
Muuqaal qurux iyo xarrago leh; shoob, mardaadi. shoob, mardaadi
saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.
bafto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhar cudbi ka samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo go'yo shaarar iwm laga tosho.
bangalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Guri dhul weyn ku fadhiya, si qurux badan u dhisan, baabuurta dhex geli karto oo dhiri ku tallaalantahay. 2. Dhismo hareeraha ka guran oo guryaha hortooda ama dushooda lagu dhiso oo lagu leersado.
baxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iwm ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iwm wax fidsan ahaansho.
beeji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax quruxdooda muujin.
biif [m.l]
1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iwm marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. ld biifid.
bilbilo [m.l]
1. Koor yar bir ka sameysan oo lo'da loo xiro; dawan. 2. Muuqaal qurux badan.
qur [m.dh]
1. Naf; ruux. 2. Q. ah: tiro go'an oo aan wax kale kordhin. Tus. “Laba wiil oo q. ah ayaa xafiiska jooga.”