quruxsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax qurux leh ahaansho. ld qurxan, qurxoon.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quruxsan

bafto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhar cudbi ka samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo go'yo shaarar iwm laga tosho.

cabbaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.

cillaan [m.dh] (-ammo m.l)
Xammaarato yar, quruxsan, oo ay mulaca isku bahyihiin, afar addin iyo dabo dheer leh oo geedaha fuusha. ld cillaangeedafuul.

dadab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.

dhaacle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.

dhaaclee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee.

falsamo [m.dh]
1. Farsamo loo sameeyo hab quruxsan oo isha iyo uurku jeclaystaan. 2. ld falsamaan.

farxumi [m.dh]
1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. ld farxumo.

ilwaad [m.dh]
Muuqaal quruxsan.

qasri [m.l]
1. Tirada rakcadaha salaadda oo la soo gaabsho marka safar dheer iwm lagu jiro. 2. (-iyo, m.dh) Daar weyn dhul ballaaran ku fadhida oo qaab quruxsan u dhisan. ld qasir.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg