qurxan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

ld quruxsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qurxan

daruuro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ray, -rtay)
Kabo, maro iwm liid qurxan ku tolasho.

faras [m.l] (-rdo/-rso, m.l)
1. (c.nafl.) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab.

kareeb [m.l]
Dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. ld kirib.

qorqoran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof qurxan oo aan hilib badan lahayn ahaansho.

quruxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax qurux leh ahaansho. ld qurxan, qurxoon.

quruxsanaan [m.f.dh]
eeg quruxsan. ld quruxsami (2), quruxsanaansho; qurxanaan, qurxanaa.

qurxanaan [m.dh]
ld quruxsanaan.

qurxanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld quruxsanaan.

rummaan [m.l]
1. Geedgaab la beero oo caleemo balballaaran, ubax iyo miro macaan oo la cuno leh. 2. Miraha geedka rumaanka. 3. Qof xabsi ku jira oo xukun sugaya. 4. Nooc ka mid ah sariirihii hore oo alwaaxda qurxan oo la xardhay ka samaysan, oo leh rukummo kor u dhaa-dheer.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg