qurxin
(m.f.dh)

eeg qurxi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qurxin ↴

daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.

aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn. 4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.

haaneedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. ld haneed². haneed

haansee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
Wax qurxin.

aarad [m.dh] (-do, m.l)
Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.

aleelee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax aleel ku qurxin.

bayid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Wax qurxin.

big [m.dh]
1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin. 2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si deg-deg ah looga tago.

biif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Badar, digir iwm oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin.

biifee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Wax, wax aad u cad ka dhigid; qurxin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg