qurxoon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

ld quruxsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qurxoon

ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.

haanse [m.l] (-sayaal, m.l/dh)
Qaab qurxoon oo wax loo yeelo.

qaabxumo [m.dh]
Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. ld qaabxumaan, qaabxumi.

taag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.

taaloog [m.l]
Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda.

taaloog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Diillin ballaaran oo qurxoon, jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda ka muujin iyadoo timaha la xiirayo.

baalleybarro [m.dh]
Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; balanbaalis.

balambaallis [m.dh]
Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; baalleybaro.

baqtifuul [m.l]
Duqsi waaweyn, leh midab qurxoon oo buluug ama cagaar ah oo laga helo meelaha waxa qurmay yaaliin. ld bakhtifuul.

bil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(bilay, bishay) 1. Wax kor u qaadid iyadoo madaxa laga sara mariyo. 2. Wax, wax qurxoon ka dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg