quud
(m.l)

1. Cunto; cunno ; dheef. 2. Nooc geed; shillin; kulan; kedi.

quud
(m.l)

Isku jirka cunnooyin ee dadku cuno.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quud

yaaquud [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.

amiiba [m.dh] (-booyin, m.l)
(baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.

amiino asiidh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH), iyo amino (-NH2), oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.

buulley [m.dh]
(c.nafl.) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.

ceesh [m.l]
Cuntada la cuno; quud. ld caysh¹.

cun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.

dadcun [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-nno, m.dh)
1. D. ah: awr dadka qaniina. 2. D. ah: nafleyda inteeda hilibka dadka quudan karta.

dhabiil [m.dh]
1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid.

dhabiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn.

dibuquudsi [m.l]
Isticmalka iyo ka faa'iideysiga qayb ka mid ah maxsuulka qalab amar-dooriye ah si caynaanka loogu hayo kartida waxqabadkiisa. Waxa ay saamaysaa jabaq-kordhiyeyaalka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg