quudi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Nafley cunto siin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh quudi

ismaquudiye [m.l]
(baay.) Nooc nafaqada ka mid ah taas oo ah tamar laga soo dhiraandhiriyey qaadashada iyo dheefshiidka walxo organigga ah; caadi ahaan nudo xayawaan ama geed. Maxsuulka burburay ee dheefshiidka ayaa loo isticmaalaa samaynta walxaha orgaanigga ah ee uu u baahanyahay nooluhu. Xayawaanka oo dhami waxay cuntadooda ku helaan tabtan.

isquudiye [m.l]
(baay.) Nooca nafaqada ka mid ah uu nooluhu ka sameyo walxo orgaanigga ah ee uu u baahanyahy, kuwaas oo uu ka sameeyo il aan orgaanig ahayn. Dhirta cagaaran oo dhami waa isquudiye, waxaanay ilayska u isticmaalaan il tamareed.

jil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Wadaaddo ama ardo quraan, muddo quudin. 2. Muuqaal iyo fal ahaan wax isaga dhigid. 3. (riw.) Cid dhaajin.

maysiiliyam [m.l] (-myo, m.dh)
(bot.) Hayfa wada shaqeeya oo sameeya jidhka fangaska. Wuxuu ka koobanyahay hayfa quudiye iyo hayfa taran oo wada jira, kaas oo dhala boodhsidayaal iyo gaametajiyam.

quudin [m.f.dh]
eeg quudi. ld quudis.

quudis [m.dh]
ld quudin.

naasley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg