raacid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg raac. raac

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raacid

taabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Cid raacid. 2. Socod dheereyn ku jirto socosho.

haah [qr]
Qurub tilmaama oggolaansho ama wax ku raacid. ld haa, haaheeyo, hahey. haa, haaheeyo, hahey

laabraac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Wax loo bogo laabta ka raacid, ka jeclaysasho.

laabraacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laabraac².

raadraacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raadraac². ld raad-raac¹.

ummulraacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ummulraac².

waafaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Arrin jirta arrin kale haleelid. 2. Ku w.: hadal cid kale tiri ku raacid ama taageerid.

akid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Cid ra'yigeeda ku raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa sugid.

arijir [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
A. ah: qof mehereddiisu tahay ari raacid.

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg