rabsho
(m.dh)

ld rabash¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rabsho ↴

oog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iwm abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin.

oogan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay; -gmi)
1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay noqosho.

oogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay ahaansho.

rabash [m.l]
Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. ld rabshad, rabsho.

aloog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Rabsho, dagaal iwm abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.

arbush [m.l]
1. Xaalad xasillooni la'aaneed ee cidi ku sugantahay; qas; lab; rabsho. 2. ld arbushid.

fadqalal [m.dh] (-llo, m.dh)
Ficil rabsho badan iyo buuq iwm oo si wadajir ah, ay sameeyaan dad badan gaar ahaana meel fagaara ah.

fadqalallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qasidda meel xasilloonideeda iyo nabaddeeda la qaso; arbushid; rabsho.

fidno [m.dh]
1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.

gurmad [m.l] (-yo, m.dh)
1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay. 4. ld gurmasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg