rafaad
(m.l)

Dhib badan oo nafleydu kala kulanto nolosheeda.

rafaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Nafley, dhib badan la kulmid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rafaad ↴

eedaad [m.l]
1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran. rafaad, silic, saxariir

eedaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid.

balaambal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. Cid rafaad iyo dhibaato la kulmid. 2. U b.: qof rafaad iyo dhibaato la kulmid u ooyid. ld balambal².

bayhoof [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Qurbe dhibaato kala kulmid; qof busaarad, rafaad iyo dhibaato dhaqaale la kulmid.

cadaab [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.

carcaraaf [m.l]
1. Dhibaato aad u weyn; rafaad. 2. Barsaq.

dacas [m.l] (-syo, m.dh)
1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato.

dalaaf [m.l]
1. D. ah: xoolo ama dad darxumo iyo rafaad ka muuqdo. 2. D. ah: ceel biyihii ka gureen. 3. ld dalaafid.

dalaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Dad ama xoolo, wax darxumo iyo rafaad ka muuqdo noqosho. 2. Ceel, biyo ka gurid.

darxumo [m.dh]
Xaalad silic iyo rafaad leh. ld darxumi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg