rafo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ftay, -fatay)

1. Nafley xanuun dartii la galgalasho. 2. Arrin ka libkeeni-deed dadaal badan u sameyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rafo ↴

arrafo [m.dh]
Bilaha sannadka soomaaliga ee dayaxa tan ugu dambeysa oo xajka la guto. ld carrafo.

barafoobid [m.f.dh]
eeg barafow.

barafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday)
Baraf noqosho, aad u qaboobid.

barbarafow [m.l] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.

carrafo [m.dh]
ld arrafo.

farafootamid [m.f.dh]
eeg farafootan².

farafootan [m.l]
Nooc legdinta ka mid ah.

farafootan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Qof, qof kale la legdamid.

maggarafoon [m.l] (-nno, m.dh)
Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. ld maggaroofan.

maykarafoon [m.l] (-nno, m.dh)
Qalab tamarta jabaqda u beddesho tamar danab. Waa qaybta ugu horreysa ee telefoonnada iyo war baahiyayaasha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg