rag
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rag

baabbul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro. shaash

gaafal [m.l] (-llo, m.dh)
Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.

jaamuus [m.dh]
1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.

kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.

naas [m.l] (-so, m.l)
1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.

taaloog [m.l]
Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda.

waalo [m.dh]
Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.

waaya-arag [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iwm. ld waayo-arag.

waaya-aragnimo [m.dh]
Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. ld waayo-aragnimo.

waayo-arag [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld waaya-arag.

r [m.dh]
(ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg