ragaad
(m.l) (-dyo, m.dh)

1. Qodax weyn oo geela cagtiisa hoose mudda. 2. Sallaanka (jaranjarada) meesha cagta la saaro. 3. Bir madax ballaaran, daab leh oo geela cudurrada looga gubo.

ragaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Neef geel ah cagtiisa hoose qodax mudid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ragaad

xagaafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Neef xagaafo shilin, ragaad kaga gurid.

xagaafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Bir xalleefsan, godan oo xoolaha shilinta, ragaadka iwm looga guro.

ragaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef geel ah ragaad ka bixin.

ragaadid [m.f.dh]
eeg ragaad².

ragaadin [m.f.dh]
eeg ragaadi.

ragaadsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Neef geel ah oo ragaaday ahaansho.

ragaadsanaan [m.f.dh]
eeg ragaadsan. ld ragaadsanaansho.

ragaadsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ragaadsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg