rakaad
(m.dh)

Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. ld rakaadid.

rakaad
(m.l)

1. Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar. 2. Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah. 3. Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban.

rakaad
(m.dh) (-do, m.l)

(fiis.) Summad f. Dhakhsaha celcelinta dhacdo hable. Tirada meertada ama wareegga hir ama walhasho ama gariir ee halkii seken ayaa lagu tibaaxaa heertiis (wareeg halkii seken). eeg Heertis.

rakaad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Xoolo biya cabbay mar kale ka dherjin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rakaad

jabaq [m.dh] (-qo, m.l)
(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.

raadka dobler [m.l] (-dadka ..., m.l)
(fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.

aragtida kuwaantam [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.

arar [m.dh]
1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.

arari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -iday, -isay)
Xoolo cabbay oo la rabo in la rakaadiyo caws geyn.

araro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.

badidhace [m.l]
(xis.) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.

buuq [m.l]
(fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.

durduur [m.dh]
1. Rakaad. 2. Ladaab. 3. Biyo la siiyo neef hore u cabbay.

footon [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Saxar leh cuf neg oo le'eg eber, kana kooban kuwaantam kaah birlab-danabeed. F.ka waxa kale oo lagu tilmaamaa halbeeg tamar oo le'eg hf, taas oo ah ay tahay madoorsoomaha blaank iyo f oo ah rakaadka kaahinta oo lagu cabbiro Heertis. F.nadu waxa ay ku socdaan xawaaraha ileyska.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg