rakib
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Qalab xubnihiisu kala daadsan yihiin ama isku daadsanyihiin la isku xirxiro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rakib

daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.

daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.

gaafal [m.l] (-llo, m.dh)
Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.

taangi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iwm lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.

hoon [m.l] (-nan, m.l)
Aalad ku rakiban gaadiidka (baabuurta, tareenka, iwm) oo la dhawaajiyo markii wax loo digayo.

qaliid [m.l] (-dyo, m.dh)
Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.

rafaasad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab ka kooban carrabbo xalxalleefsan oo si gaar ah isugu rakiban, wareega oo maraakiibta iyo dayaaradaha dhaqaajiya.

rakiban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Qalab, wax la rakibay ahaansho.

rakibasho [m.f.dh]
eeg rakibo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg