rako
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Meel sare oo ku taal dusha geed, dhismo iwm oo wax la saarto ama la fuulo. 2. Meel ciriiri ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rako

barako [m.dh]
1. Wanaag loo aayo oo laga helo wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.

barakoobid [m.f.dh]
eeg barakow.

barakow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Wax barako yeelasho. 2. Wax tarmid.

guro [m.dh]
1. Meel godan oo gaadiid raran dushiisa laga sameeyo oo la saaro carruur, maqal iwm. 2. Rako.

rakooc [m.l]
Madax in yar hoos u liicinta qof sameeyo hurdo darteed. ld rakoocid.

rakooc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Muddo yar hurdo darteed madaxa hoos in yar u liicin (qof).

rakoocid [m.f.dh]
eeg rakooc². ld rakooc¹.

tarakooma [m.dh]
(daaw.) Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo “chlamydia trachomatis” cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.

tirakoob [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-byo, m.dh)
Habka loo helo ama lo tirsho tira guud.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg