rakuub
(m.l) (-byo, m.dh)

Awr fuullimaad loo jarabaray.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rakuub

cirbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Faras, rakuub iwm si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho.

fuullaan [m.l]
Aqoonta iyo isticmaalka fardaha iyo rakuub fuulidda.

qardow [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Murmurux ama jiirago'salka iyo cajirrada ka gaara qof aan fardafuul ahayn ama ka raagay, in mudda ah markuu gammaan ama rakuub fuushanaado.

qardow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof gammaan ama rakuub in muddo ah saarnaa cajirrada ka murxid ama jiira-go'id.

rakuubley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Ciidan rakuubta gaadiid-sada.

rogaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Faras ama rakuub aad u jarabaran. 2. U soo dabbaalidda meesha laga ugaarsanayo loo soo dabbaalo ugaar. 3. R. ah: nooc kooraha geela ka mid ah oo labada dacal ee afkeedu kor u taaganyahay. 4. Badinta qoraal lagu badiyo jikolostiil.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg