rogmo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-maday, -matay)

1. Wax qalibmay noqosho (baabuur). 2. Wax sidii ay ahaayeen si ka duwan noqosho. 3. Hoore wax karaya noqosho. 4. Nafley wax tirtirantay noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rogmo

dhalanrogmo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maday, -matay)
Wax dhalanrog ku dhacay noqosho.

dhogorrogmo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maday, -matay)
Neef xoolo ah caatoobid.

rogmasho [m.f.dh]
eeg rogmo. ld rogmad.

rog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg