rogo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-gtay, -gatay)

1. Wax dhiniciisa sarreeya hoos marsasho. 2. Qof la legday oo laga sarreeyo qofkii legday geddisasho. 3. Ka r.: alaab gaadiid saaran ka degsasho. 4. Ku r.: wax, wax qarin karo ku gambisasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rogo

maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.

oodrogo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Meel degalowday meel u dhow uga guurid. ld oodgeddiso.

qaalaamarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
ld qaalmarrogo.

qaalmarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Qaalmarrogad samayn. ld qaalaamarrogo.

dal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Harag rogob ka gurid.

dhidib-dhuleed [m.l] (-byo ..., m.dh)
(c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh.dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.

dhogorrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Xoolo, dugaag iwm dhogor cusub u soo bixid, isagoo araggiisu wanaagsanaaday.

digarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Xero dhiriqowday ama si kale u xumaatay, xero kale oo u dhow uga guurid; oodrogasho.

hito [m.dh]
1. Gudashada cid eed gashay laga guto. 2. Rogidda ceeb la iska rogo.

ilmarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Minka gudihiisa isku gediyid (uurjiif).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg