rogrog
(m.l)

1. Gedgeddinta wax la gedgeddiyo. 2. Caano yar oo weel la culay carka looga bi'iyo.

rogrog
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

1. Wax gedgeddin. 2. Lacag yar ganacsi ku samayn. 3. Weel la culay caano yar car uga bi'in.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rogrog

aaway [e.we]
Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay “xaggee laga helaa?” “mee?”. ld aawaye, away, awday.

geddis [m.l]
1. Rogrogis; ganacsi. 2. ld geddiyid. ld gaddi.

gedgeddi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Wax hadba dhinac u rogid. 2. Badeeco ganacsi ku sameyn. 3. Eray fal ah rogrogid. ld gadgadd.

guluc [m.dh]
1. Rogrogmadka isha guruxeeda. 2. Meel laabato ah; guho.

gulucsii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
Isha guruxeeda rogrogmasho.

isrogrog [m.l]
(nax.) Nadooca ama isrogrogga ku dhaca falka, arrinkaasoo ku xiran: habka, amminka, qofka, tirada iwm. Tus. “Hibaaq way tagtay”, “Hibaaq iyo Cigaal way tageen”.

laballegdee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Gogol korkeed ama meel kala isku rogrogid.

lugduub [m.l]
1. Fuulidda faras si deg deg ah loo fuulo. 2. Si habaysan oo lugaha loo rogrogo marka ciyaar la tumayo. ld lugduubid.

lugduub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Faras si degdeg ah u fuulid. 2. Ciyaar si habaysan lugaha u rogrogid.

macaashle [m.l]
Qof badeeco yar rogrogta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg