roob
(m.l) (-bab, m.l)

(fiis.) Dhibco biyo ah oo kala baxsan oo ku da'a dhulka kana soo da'a daruuraha, waxaana sameeya qaboob-ka xarfadka ku dhaca uumi biyoodka gibilka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh roob

oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.

da' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -di'i)
1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho. hoore

maadaama [Xiriiriye | Conjunction]
Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska joog”. ld maaddaama. maaddaama

oddoros [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid.

yaare [m.l]
1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.

caac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.

daad [m.l] (-dad, m.l)
1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.

daad [m.l] (-dad, m.l)
(juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.

daad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Biyo badan oo ka yimid roob da'ay ama webi fatahay faafid.

laancaddaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg