ruji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Geed dhulka xoog uga fujin. 2. Ku r.: cid nabar xoog ugu dhufasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ruji

abqaad [m.l] (-do, m.l)
(baay.) Ka rujinta geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale. Tus. “Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee loo wareejiyo dhulka”.

baraaruji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.

baraarujin [m.f.dh]
eeg baraaruji. ld baraarujis.

baraarujin-caafimaad [m.l]
(daaw.) Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.

baraarujis [m.l]
ld baraarujin.

fuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel ku dheggan rujin. 2. Dharbaaxo f.: qof dhabanaanayn.

rujin [m.f.dh]
eeg ruji. ld rujis.

rujis [m.l]
ld rujin.

tallaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg