rukun
(m.l) (-ummo/-nno, m.dh)

1. Cid si joogta ah badeeco u qaadata ama ku keenta. 2. Badeeco si joogta ah loo qaato ama loo geeyo. 3. ld rukni (2). Tiir.

rukun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-umay, -untay; -umi)

U r.: cid si joogto ah wax u siin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rukun

rukni [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Tiirarka diinta Islaamka mid ka mid ah. 2.Tiirarka guriga uu ku taaganyahay mid ka mid ah. 3. Tiirarka salaadda mid ka mid ah. ld rugni, rukun¹ (3).

rukumid [m.f.dh]
eeg rukun².

rukumo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-untay, -umatay)
Qof wax rukun ka dhigasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg