rumaysan
(Fal Gudbe4 | Verb Transitive4) (-snaa, -snayd)

Qof wax aaminsan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rumaysan

laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.

xambali [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.

aamminsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tus. “Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay”.

aamminsanow [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-naaday, -naatay)
1. Qof, wax cid aamminka ku qabo noqosho. 2. Qof, wax rumaysan jiritaanka Eebbe iyo diinta noqosho.

aragti [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda'iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.

aragtida Darwin [m.dh] (-iyaha ..., m.l)
(baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.

ardooyin [m.l.w]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.

ayaamo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

aydiyaalism [m.l]
(fals.) Hab fikradeed oo ku saabsan in ra'yigu uu yahay waxa keliya ee la rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax kasta.

barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg