ruub
(m.dh)

1. Bir yar, dhuuban, daab leh oo saanta kabaha laga tolo lagu dalooliyo. 2. Dhul bacaad badan oo marka lagu socdo cagta hoos u gasha.

ruub
(Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1) (-bay, -btay)

Wax meel bacaad, dambas iwm dhexgelin. ld ruubi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ruub

dabakarruub [m.l]
Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo'da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur.

haruub [m.l] (-bbo/byo, m.dh)
1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.

haruubgaal [m.l] (-llo, m.dh)
Haruub weyn oo geela lagu liso.

haruubqori [m.l] (-iyo, m.dh)
Weel qori ka samaysan, dabool leh oo caanaha lagu kaydiyo. 2. Haruub qori la qoray ka samaysan.

ruubad [m.l]
ld ruubasho.

ruubasho [m.f.dh]
eeg ruubo. ld ruubad.

ruubi [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
ld ruub².

ruubid [m.f.dh]
eeg ruub². ld ruubin, ruubis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg