ruud
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Qoryo waaweyn oo dogobta laga jeexjeexo dabkana lagu shito.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ruud

baaruud [m.dh] (-do, m.l)
Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.

buruud [m.l]
1. Nasiib wacan. 2. ld burji. ld burad, buruuji.

buruudshiil [m.l]
Ka burji sarreynta qof, qof kale ka burji sarreeyo.

buruudshiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Qof, qof kale burjigiisa jebin.

buruudshiilid [m.f.dh]
eeg buruudshiil².

cambaruud [m.l]
Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.

garruud [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. G. ah: awr xooggan oo rarooyo ah. 2. G. ah: qoryo adadag oo waaweyn. 3. Rag duqow ah oo garta qaada; madax; qaaf.

huruud [m.dh]
1. Sacfaraan. 2. Budo hurdi ah oo haweenku wejiga, gacmaha iyo lugaha ku qurxistaan.

huruudsad [m.l]
ld huruudsasho.

huruudsasho [m.f.dh]
eeg huruudso. ld huruudsad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg