saaran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

Wax meel dhulka ka sarreysa la dhigay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saaran

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³. aa, ayaa, yaa

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

jaansaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.

laalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
Wax meel kore saaran noqosho.

oomaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Kul badan ku gubasho. 2. Cunto dab saaran biya la'aan awgeed gubasho.

raaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax meel sare saaran ahaansho.

saarnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saaran. ld saar-naansho.

saarsaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.

xamil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. ld xamli.

saar [m.l] (-rar, m.l)
1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.

saar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg