saaro
(f.g/lg3) (-rtay, -ratay)1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saaro ↴
aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga
qaaday walax adke ah sida dhererka (l),
ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.)
“Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka
xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo
xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro
habboon.
kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka
looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo,
m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro
midkood; raar; xakab. raar, xakab
jaansaar [m.l]
Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub.
kaafuur [m.l]
1. Geed shiinaha koonfureed ka baxa oo caleemihiisu weligood cagaaran-yihiin, lehna ubax midab cad oo udgoon. 2. Dheecaan geedka kaafuurka laga soo saaro.
nacalad [m.dh] (-do, m.l)
Caro Eebbe dusha ka saaro cid caasidey. ld lacanad¹, lacnad¹, nacallad¹, nacalle, nacdal¹.
oodafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ood weyn oo xerada xoolaha afka laga saaro. 2. Aflagaaddo.
raanbi [m.l] (-iyo, m.dh)
Raar yar oo aqal Soomaaliga la dhex geliyo, oo la saaro weelasha si aan aboorka u cunin.
saacaddiya [m.dh]
Neef si xoog leh loo soo saaro marka la qaadayo qasiiddada digriga.
saarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saaro.