saaruq
(m.dh) (-qyo, m.dh)Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saaruq ↴
daadxoor [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Xumbo saaruq wadata oo ka samaysanta xawliga biyaha, siiba daadadka. 2. Saaruqda daadadka ka harta.
leelo [m.dh]
1. Xayaabada dusha ka fuusha cuntada la kariyo. 2. Xaafoodka kor fuula biyo in badan meel ku jirey; saaruq.
saar [m.l] (-rar, m.l)
1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.
saar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg