saaxiibnimo
(m.dh)

Saaxiib ahaansho. ld saaxiibtinnimo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saaxiibnimo

saaxiibtinnimo [m.dh]
ld saaxiibnimo.

faraqxiro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Ku f.: saaxiibnimo awgeed cid ula socosho.

gacansaar [m.l]
1. Iib qiimaha la bixinayo marka wax la kala gato. 2. Xiriir saaxiibnimo oo dhex mara laba qof ama ka badan. 3. G. ah: lacag caddaan ah oo wax lagu kala iibsado. 4. ld gacansaarid.

macruuf [m.l]
1. Ixsaan; wanaag; samafal. 2. (-fyo/-caariif, m.dh) M. ah: qof aad loo yaqaan, caan. 3. ld macriifo. Xiriir aan saaxiibnimo gaarsiisnayn oo cid ka dhexeysa.

noqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qtay, -qotay)
1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iwm si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).

shinso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Qof qaraaba-nimo ama saaxiibnimo awgeed wax uga filasho. 2. Wax manaafacaadkiisa isku hal-layn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg