sabbaax
(m.l) (-xyo, m.dh)

1. Ciid cad oo nadiif ah oo xeebaha badda laga helo. 2. S. ah: qof araggiisa la karahsado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sabbaax

xaani [m.dh]
Ciid sabbaax ah oo aan boor iyo quruurux midna lahayn. ld xaano.

sabbaaxad [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate] (-do, m.l)
S. ah: naag araggeeda laga naxo oo la karahsado.

xeeb [m.dh] (-bo, m.l)
Daliig dhul ah oo cammuud iyo sabbaax leh oo bad dhinaca ku haysa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg