sabbee
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-beeyay, -baysay)

Biyo, hawo iwm dul heehaabid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sabbee

saaruq [m.dh] (-qyo, m.dh)
Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.

balaanktoon [m.l]
(c.nafl.) Kan ugu yar dhiska sabbeeya ee geed iyo xayawaan,inta badan laguma arko isha qaawan, oo deggan biyaha badweynada iyo badaha yaryar, oo cunto u ah kalluunka badda iyo abuur kale.

dulsabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay -baysay)
Heehaabid.

fiix [m.l]
1. Firfir subag ah oo marka caanaha la lulo dul sabbeeya. 2. Fuf. 3. Dufan yar oo ka dhashiima laf qorrax taal. 4. ld fiixid.

firfir [m.l]
1. Burcad yaryar oo caanaha marka la lulo kor sabbeeya. 2. F. ah: caano la lulay oo firfir yeeshay. 3. Dhidid f. ah: dhidid kala googo'an oo oogada nafleyda ka yimaad. 4. ld fir¹.

heehow [m.l]
Sabbeynta wax fudud biyo dushooda ama hawada dhexdeeda dul sabbeeyaan. ld heehaabid.

sabbayn [m.f.dh]
eeg sabbee. ld sabbays.

shucayb-sacaaf [m.l]
(c.nafl.) Noolayaal yaryar oo dul sabbeeya biyaha badaha iyo harooyinka. Shucaybsacaafka waxa ka mid ah xayawaannada iyo dhirta ili ma-aragtayga ah, sida aljiga, borotosoowaha iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg