sabir
(m.l)

1. Xanuunka iyo dhibaatada oo loo adkaysto; samir. 2. ld sabar¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sabir

sabar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Dulqaad. 2. (-rro, m.dh) Jirka dadka, qaarka sare iyo qaarka dambe inta u dhexeysa; moxog. 3.(-rro, m.dh) Buur salkeed. ld sabbur¹, sabir (2), samir¹.

dul [m.dh] (-llo, ml.)
1. Oogada sare ee wax kasta leeyihiin. 2. Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan. 3. Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho.

dulqaad [m.l]
Dhabta oo loo adkaysto; sabir.

dulqaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
U d.: sabir yeelasho.

dulxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
Wax aan sabir lahayn ahaansho.

farammaggaadho [m.dh]
Caro dhawaan; sabirdarro. ld farammaggaarto.

fuqdo [m.dh]
1. Geed yar oo aan lahayn xididdo hoos jira oo ciidda iska dul saaran. 2. Wax aan sal adag lahayn oo sahal loo siibi karo. 3. Sabirdarrada uu leeyahay qof aan ka dhursugi karin duruufaha adag.

sab [m.dh]
1. Qolo raacatada soomaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.

sab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Carruur, haween iwm wax ku raalli gelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg